Dugsiga Daarul Arqam oo kamid ah dugsiyada lagu barto quraanka kariimka ayaa waxaa lagu sameeyay dib udhisid balaaran iyadoo sidoo kale lasoo gaarsiiyay deeq kutaaba ah oo gaaraya ilaa boqol kitaab.
Shiikh axmed shiikh maxamuud Culumada degmada Wanlaweyn ayaa ugu horeyn xaflad ka hadlay isagoo u madceliyay Abu sacad Alkacbi oo ah shaqsiga kasoo jeeda Dalka Khadar oo dib u dhis ku saameeyay Dugsiga Daarul Arqam.
‘Abu sacad Alkacbi waa qof marwalba jecel kheyrka sidaa darteed waxaan Leenahay sadaqadaada Allaha kaa aqbalo; sidaa waxaa yiri Sheekh axmed shiikh maxamuud.
Ramlo buule oo kamid ah ardayda dugsiga Daarul Arqam ayaa gudaha xafladaas ku soo jeediyay kalimad carabi ah oo ku saabsan quraanka iyo Barashadiisa.
Sidoo qaar kamid ah ardayda gudiga oo koox koox usoo istaagayay ayaa nashiidooyin qurux badan halkaas ka akhriyay iyagoo ku labisan dhar isku nooc ah.
Dhanka kale mid kamid ah waalidiinta ardayda oo lagu magacaabo Siid Cali maxamed ayaa Waalidiinta ku booriyay inay u dhexeeyaan caruurtooda iyo macalinka isagoo xusay in macalinka kaligiis uusan waajib ku eheyn in uu ardayga is fiican wax ubarto.
Ugu dambeytii waxaa goobta hadal dheer oo carabiga ah kaasoo jeediyay Macalinka dugsiga soo lagu magacaabo Macalin Cali Aadan isagoo umahadceliyay Abu sacad Alkacbi oo ah shaqsiga dhib udhiska ku sameeyay dugsigiisa keenayna Kutaabo quraan oo ku filan ardayda dugsigaas.
Cabdulahi M Abukar: Daafeet Media Wanleweyn