Mid kamid ah goobaha ganacsi ee ugu waaweyn ee degamda Wanlaweyn ayaa maanta waxaa xeray Dhalinyaro hubeysan oo ah dhalinyarada deegaanka.
Dhaga cade supper market waa Dukaan ku yaala bartamaha suuqa weyn ee degmada waxaana lagu iibiyaa Raashiinka Jumlada ah waxaa maanta rasaas ku furay dukaankaas dhalinyaro hubeysan oo aan aheyn ciidan dawladeed ama aan aheyn dad Hub u sharciyaysan .
Goob jooge diiday in magaciisa lasheego ayaa daafeet.com usheegay in :”in mar qura ah rasaas lagu furay dukaanka oo xiligaas ganacsigiisii kala socday waxaan durba ay ku amreen shaqaalaha dukaankaas in laxiro ; sidaa waxaa yiri goob jooge magaciisa qariyay
Xerida goobtaan ganacsi ayaa salka ku heysa dagaalkii shaley ka dhacay degmada Wanlaweyn oo ay in ka badan 6 ruux ay ku dhinteen dagaalkaasi oo markiisa hore ka bilowdey dil loo geystey laba wiil oo ka tirsanaa dhalinyarada degmada.
wali majiraaan wax war ah oo kasoo baxay maamulka degmada Wanlaweyn oo ku aadan xerida Dukaankaas.
Cabdulahi M Abukar Daafeet Media Wanleweyn