Xoogagga Al-shabaab ayaa la wareegay gacan ku heynta degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud, kaddib markii ay saaka isaga baxeen Ciidamada Itoobiya.
Guddoomiyaha degmada Ceelbuur Nuur Xasan Guutaale ayaa sheegay in ay halka isaga baxeen ciidamada Itoobiya oo maalmihii ugu danbeeyayba deegaanka ka wadday dhaqdhaqaaqyo militari.
Dagaalyahanada Al-Shabaab oo ku sugnaa meelaha aan sidaa uga fogeyn Ceelbuur ayaa gudaha u soo galay, waxaana degan xaalada degmada.
Sadax sanno ka hor ayeey aheyd markii ciidamada Itoobiya la wareegeen degmada Ceelbuur, oo ah degmo istiraatiiji ah, kana mid aheyd degmooyinkii ay ku xoogganaayeen Al-Shabaab.