Dhegeyso: Dagaalada Ka Socda Deegaano Ka Tirsan Gobolka Shabelaha Hoose oo Sii Xoogeystey

0
68

Dagaal u dhaxeeya Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Shabaab ayaa saakay ilaa iyo hada waxa uu ka socdaa Degaano ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay weerar iyo Howlgal qorsheysan ku qadeen Degaano ka tirsan Shabeelaha Hoose oo ay ku sugan yihiin Shabaab.

Dagaalka ayaa si gaar ah waxa uu uga socdaa Degaanada Kibili, Buufow, Waagaale, kuwaasi oo dhammaantood hoostaga Degmada Qoryooley iyo Janaale oo ka tirsan Shabeelaha Hoose.

Taliyaha Hoggaaminaya Ciidankan Dagaalka kula jira Shabaab Gaashaanle Dhexe Daahir ayaa sheegay Shabaab in ay kala wareegeen Degaano ka tirsan Shabeelaha Hoose.

Hadaladiisana waxaa ka mid ahaa.

Gaashaanle Dhexe Daahir

Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkada

Dagaal Wanleweyn Mobil