Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaal beeleedyada kusoo noq-noqday Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Maalmihii lasoo dhaafay waxaa Tuulooyin hoostaga degmadda Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe, ku dagaalamayay labo maleeshiyo beedeed.
Geesta kale, Guddoomiye Jawaari ayaa maamulka Hirshabeelle ugu baaqay in ay wax ka qabtaan dagaalka lagu gubay Tuulooyinka islamarkaana ay u istaagaan sidii loo damin lahaa.
Masuuliyiin ka tirsan deegaanka, ayaa shalay sheegay in ay jiraan dhibaatooyin xooggan oo la soo deristay dadka ku nool toolooyinka, waxaana la sheegay in qaarkood ay kasoo qaxeen tuulooyinka.