Howlgalo Habeenkii Xaley ilaa iyo Maanta Ka socda Qeybo Ka Tirsan Gobolka Shabelaha Hoose

0
72

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa howlgal ka dhan ah Al-shabaab ka wada deegaano hoostaga gobolka Shabeellaha hoose.

Wararka naga soo gaaraya deegaan lagu magacaabo Farxaane oo ka tirsan degmada Qoryooley ayaa sheegaya in howlgal ay ciidamada wada socda halkaa ka sameeyeen ku qabteen sarkaal ka tirsan Al-shabaab oo magaciisa lagu sheegay Cabaas Axmed oo laga soo qabtay guri uu ka deganaa deegaanka.

Ciidamada huwanta ayaa howlgalkooda ku sheegay in uu qeyb ka qorshaha lagula dagaallamayo Al-shabaab oo inta badan deegaannada gobolka Shabeellaha hoose ka geystay weeraro isugu jira kuwa toos ah iyo qaraxyo lagu bartilmaameedsado ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

Si kastaba arintu ha ahaatee dhibaatada ka taagan gobolka shabeelaha hoose ayaan aheyn mid sahlan taasoo inta badan laba afleey ah qaar ay ku hayaan kooxaha alshabab iyo kuwo ay ku hayaan cidamo sheeganayo iney yihiin milatari isla markaana dadka dhibaateynaya taasi ayaana inta badan sabab u ah sii joogitaan alshabab ay joogto gobolka.