Akhriso: Reysulwasaare Kheyre oo Soo Saarey Wareegto Ka Hadleysa Xiliga Ay Bilaabanaayn Shaqooyinka Dowlada

0
65

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa soo saaray wareegto ku saabsan xiliga shaqada shaqaalaha dowladda ay bilaabaneyso iyo xiliga ay dhamaaneeyso.

Wareegtadda ayaa lagu sheegay in shaqaalaha dowladda ay shaqada u bilaabaneyso siddeeda subaxnimo (08:00), lagana bixi doono Afarta iyo barka galabnimo (04:30), sida waafaqsan qod. 26aad ee xeerka shaqaalaha Lr.11.

Ra’iisul wasaaraha ayaa warsaxaafadeedkiisa ku sheegay in ujeedka loo adkeeyay jadwalka shaqada ay tahay ilaalinta barnaamijka xukuumadda iyo sida hay’addaha dowladda ay u fuliyaan adeegyada bulshada.