Koox burcad Soomaali ah oo hubeysan ay Markii labaad dooni ganacsi kasoo Afduubteen Xeebaha dalka Yemen.
Hay’adda Ganacsiga iyo ilaalinta Badaha ee dowladda Ingariiska ayaa sheegtay in doontaasi la Afduubtay Sabtigii ,islamarkaana lala aaday Xeebaha degaanada maamulka Puntland.
Wararka Qaar ayaa sheegaya in doonidaasi la geeyay Degaano ku dhow degmada Eyl ee gobolka Nugaal.
Taliyaha Ciidamada Midowga Yurub ee Joogga ee Xeebaha Soomaaliya ayaa sheegay in ay ka War heleen Afduubka loo geystay doonidaasi ,islamarkaana ay waddaan howlgallo ay kusoo badbaadinayaan.
Qaramada Midoobey ayaa ku baaqday in si deg deg ah wax looga qabto Falalka kooxaha Burcabadeeda Soomalida ay ka geysanayaan xeebaha Soomaaliya.