Qarax Maanta ka Dhacay Meel ku Dhow Xarunta wasaarada Gaashaandhiga

0
63

Qarax xooggan ayaa maanta ka dhacay nawaaxiga wasaaradda gaashaandhigga ee magaalladda Muqdishu, sida dadka deegaanka ay sheegeen.

Qaraxa ayaa waxaa lala beegsaday kolonyo ciidan oo ay la socdeen Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda.

Xaruunta Wasaaradda Gaashaandhigga, waxaa maanta lagu qabtay munaasabad ay xilalka kula kala wareegayeen Taliyaha cusub ee Ciidamada xoogga Soomaaliya iyo Abaanduulaha Ciidamada xoogga, waxaana munaasabada ka qeyb-galay Taliyaal ciidan iyo madax kale.

Qaraxan ayaan jirin weli cid sheegatey waxaan kaloo si sax ah loo ogeyn qasaaraha dhabta ah ee uu geystey qaraxan.