Qarax Ismiidaamin ah oo Maanta ka Dhacay Xero Ciidan oo Ku Taala Degmada Wadajir

0
80

Qof isku soo xiray walxaha qarxa ayaa goor dhaw weerar ismiidaamin ah ku qaaday xero ciidan oo ku taala warshadii Nacnaca degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa siweyn looga maqlay qeybo ka mid ah magaalada, mana jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay.

Qofka weerarka is qarxinta ah geystay ayaa xirnaa dareyska ciidamada, waxaana la sheegay in uu isku qarxiyay ilinka hore hore ee xerada, halka wararka kalana sheegayaan in uu gudaha u galay xerada ka hor inta uusan is qarxin.

Qaraxan ka dhacay degmada Wadajir ayaa noqonaya kii labaad oo saacado gudahooda ka dhaca isla magaalada Muqdisho kadib markii subaxnimadii hore ee saakay degmada Xamar-weyne qarax lagu dilay qof ka tirsanaa shaqaalaha dowladda oo qarax loogu xiray gaarigiisa.