Reysulwasaaraha Xukuumada Federaalka oo Maanta Booqdey Dekeda Magalada Muqdisho

0
94

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa maanta kormeer howleed ku tagey Dekadda weyn ee Magaalada Muqdisho, si uu ugu kuur galo hannaanka ay u shaqeyso Dekaddu, isla markaana loo ilaaliyo dhaqaalaha laga aruuriyo dadka isticmaala Dekadda, maadaama ay dekaddu yeelatay maamul cusub.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulan gaar ah la yeeshay maamulka Dekadda, waxa uuna ka xog-wareystay qaabka ay u shaqayso dekaddu, caqabadaha ka jira iyo qaabka ugu wanaagsan ee loo tayayn karo adeegyada ay dekaddu u hayso shacabka Soomaaliyeed.

Reysulwasaaraha ayaa ku booriyey madaxda iyo shaqaalaha ka howlgala Dekadda in ay ilaaliyaan Masuuliyadda lagu aaminay maadaama ay Dowladdu wado qorshe lagu wada xisaabtamayo.

Si kastaba arintu ha ahaatee dekeda magalada muqdisho ayaa ah deked ay musuulioyiidia inta badan ay heysato dowlada turkiga taas oo ay u saxiixeen maamuladii maamulkan ka horeeyey