Wefdi uu Hogaaminaayo Gudoomiyaha Gobolka Sh/Hoose oo Shaley Gaarey Degmada wanlweyn

0
69

Wafdi uu hogaaminaayo gudoomiyaha gobolka shabellaha hoose ayaa waxaa ay maalintii shaley booqasho ku tageen degmada wanleweyn ee gobolka shabelaha hoose, Gudoomiyaha ayaa safarkiisa waxaa ku wehliyey gudoomiye ku xigeenka dhaqaalaha gobolka, iyo gudoomiyaha ururka haweenka gobolka.

Gudoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa shaley kulan la qaatey maamulka degmada ayagoo ka wada hadley dhibaatooyin ay ciidamo xiran dareyka dowlda ay degmada ka geysteen dhamaadkii bisha maarso ayadoo dacwadasna loo gudbiyey maxkamada ciidanka qalabka sida si loo soo qabto dambiilashii dhibka geystey.

Maamulka gobolka ayaa waxaa kaloo ay kulan arintaasi kala yeesheen saraakiisha ciidamada ee ku sugan xerada belidoogle maadaama ciidamadaasi dhibka geystey intooda badan ay ahaayeen ciidamo xerooyinkaas kasoo baxay.

Si kastaba arintu ha ahaatee degmooyinka gobnolka aya aintiisa badan waxaa uu u dhaxeeyaa dhibaatooyin ay ku hayaan kooxo xiran dareyska ciidanka dowlada iyo kooxda alshabab ayadoo malin kasta si gar daro ah shacabka halkaasi loogu dilo.