Haddabo su’aashan ilaa iyo hadda jawaab rasmi ah looma haayo. Waayo dadka degaankan degan Alle ayaa ku maneystay dhul barwaaqeysan waxay dadkii hore ku duceysan jireen ee Galediga ahaa (Allaha na siyo dad barwaqadaan nala cunto) waayo waxay ahaayeen dad barwaaqo sooran.
Tan iyo intii uu maamulka koonfur galbeed gacanta ku qabtey shariif xasan ayaa aminiga guud ee gobolka shabeelaha hoose gaar ahaan degmada afgooye waxaa uu noqdey mid faraha ka baxa oo dadkii deegaanka lagu gumaado ayagoo aanba waxba galabsan.
Mudadii labada sano iyo barka degmada afgooye waxaa lagu diley dad kor u dhaafaya 14 ruux oo dhamaantoodba ahaa dad bulshada degmada afgooye hormuud u ahaa oo isugu jira Nabadoono, Saraakiil, Gudoomiyihii degmada, iyo dhalinyarada ugu dhaqdhaqaaba badan ee ka shaqeyn jirtey horumarka degmada.
Taasi ayaa waxaa ay ku tuseysaa in dadka dadmada kusoo duukley ay inta badan dilkooda la eeganayaan dadka wax ku oolka ka ah degmada si loo waayo dad usoo istaaga horumarka degmada ayagoo garab kaga helaaya maamulka uu hogaamiyaha ka yahay shariif xasan.
Qaar ka mid ah dadka kor aan kusoo sheegney ee labadan sano lagu diley degmada afgooye waxaa ka mid ah.
1.Cusmaan Diine.(Nabad-doon).
2.Cali Abuukar (Nabad-doon)
3.Aweys Islaaw (Nabad-doon).
4.Cabdulaahi Iideey (Gudoomiyihii hore ee degmada afgooye Sarkaal).
5.Liibaan Abiikar (Sarkaal).
6.Xasan Mayow (Wariye).
7.Khadar (Turjumaan).
8.Ibraahim Xaaji MYow.
9.Axmed Sh Mayow.
10.Haabiil Abuukar.
11.Maxamed Ibraahim (Testa)
12.Yaasiin M Ibraahim (Testa).
13. Haabiil Abuukar
14- Axmed Sheekh mayow
Inta badan maamulka shariif iyo xukuumada federaalka waxaa ay eeda saartaa in gobolka ay dhibaato ku hayaan xarakada alshabab balse inta badan dadka aan kor kusoo sheegney waxaa diley kooxaha ku labisan dareyska dowlada ee qaab beeleedka ugu sugan degmada.
Maamulka uu hormuudka ka yahay shariif xasn iyo ciidamada ku sugan degmada waxaa ay ka qaataan lacago aad u badan taasoo intooda badan ay kasoo xarooto isbaarooyinka yaala degmada balse wax amini ah oo ay xaqiiyaan ma jirto in arintaas wax laga bedelana waxaa looga fadhiyaa maamulka shariif xasan iyo xukuumada federaallka.
dadka deegaan u dhashey ama iska leh sida galadi oo dhulkas loogu yimid waa in oow wah ka bedelaa oo aan la sugin dad kale oo dibada ka imaadey kuwa dibida ka imaadey dhib ma ogiye dheef yaan laga sugin wsc hadii dadka degaanka ay xaal wah ku toosin waayan gacan ma la huraayo hadaa rabto nabad wa in aad degaal diyaar u ahaata wsc
Waxaa kaloo cajiib ah maxaa loo layaa kaliya dadka Dafeed iyo Afgooye? sababta waxay tahay waa dad diidan gumeeysiga, doonaayana inay xuriyad ku nooladaan.
Su,aashaan jawaabteeda hala weydiiyo Goob u Roone,iyadoo qoran ayey haayaan .
Su,aashaan jawaabteeda hala weydiiyo Goob u Roone,iyadoo qoran ayey haayaan.Ayooto ha ooynin baariyaasha Aakhiro ayey jiraan,Duqow ayaa na dayooysaa doonbir ayey wataan ninkii la daraawaa duurka loo diraa.
Comments are closed.