Maamulka Garoonka Diyaaradaha Wajeer oo Sheegey Iney Qasaareen Daqli Qaaraya 2 Milyan oo Lacagta Kenya u Dhiganta

0
131

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in Khasaare dhanka dakhliga ah uu ka soo gaaray heshiiskii Soomaaliya iyo Kenya ee dhanka duulimaadyada diyaaradaha ee la sii marin jiray Magaalada Wajeer ee dalka Kenya.

Maamulaha Garoonka Diyaaradaha Wajeer Charles Kiong, ayaa sheegay in laba Milyan oo lacagta Kenya ah una dhiganta $21,240 oo doolarka Mareykanka ah ay khasaareen kadib markii heshiiskaas la saxiixay.

Waxa uu xusay in Diyaaradaha iyo rakaabka mari jiray Wajeer laga qaadi jiray lacagahaasi islamarkaana ay hadda taasi meesha ka baxday.

Juba Airways, African Express, East Africa Safari Express, Freedom Airline, Oceanic iyo Fan Jet Express, ayaa horay u mari jiray Wajeer maalin waliba marka ay ka duulaan Muqdisho, waxaana hadda meesha ka baxday taas oo waxaa ay dhamaan toos uga baxaan Muqdisho waxaana ay ka degaan Nairobi.