Madaxa Hay’ada Qaramada Midoobey U Qaabilsan Hawada Somaliya oo Sheegey In Hawada Somaliya lagu wareejin Doonin Dalalka Deriska

0
80

Madaxweynaha hay’adda QM u qaabilsan duulista hawada ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano ICAO Dr. Olumuyiwa Benard Aliu ayaa beeniyey wararka sheegay in hawada Soomaaliya lagu wareejiey ama lagu wareejin doono wadamada dariska ah.

Dr. Aliu oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta xili uu ku sugnaa magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta halkaas uu kaga qayb galayey shir looga hadlayey “Cyber Security in Aviation” ayaa sheegay in uu la yaabay wararka sheegaya warjeeninta hawada dalka Soomaaliyeed.

Waxaa bilooyinkii la soo dhaafay aad loo hadal hayey warar sheegaya in hawada Soomaaliya lagu wareejin doono dalalka dariska ah ee kala ah Itobiya, Kenya, India iyo Seychelles.

Dr. Aliu oo u dhashay dalka Nigeria ayaa ah shaqsigii shanaad ee madax ka noqda hay’adda ICAO ee ay xaruunteedu tahay magaalada Montreal ee dalka Kanada, wuxuuna xukunka sii hayndoonaa ilaa iyo sannadka 2019ka.