Ciidamada la dagaalanka Burcadbadeeda ee joogga Xeebaha Soomaaliya ee lagu magacaabo NATO ayaa waxaa loo sameeyay Waqti kordhin si ay ula dagaalamaan Kooxaha Burcadbadeeda.
War qoraal ah oo kasoo baxay howlgalka NATO ayaa lagu sheegay in ilaa iyo 2018 dhamaadkii keeda ay joogayaan Xeebaha Soomaaliya.
Ciidamadaan ayaa waxaa lagu dari doonaa Ciidamo dheeraad ah iyo sidoo kale Maraakiib dagaal si ay ula dagalamaan Kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida.
Sidoo kale warka kasoo baxay NATO ayaa lagu sheegay in ay tahay wax laga xumaado in ay dib u soo laabteen Afduubyada Kooxaha Burcadbadeeda ay ka geysanayaan Xeebaha Soomaaliya.