Diyaaradaha Ciidamada Milateriga ee Kenya oo Duqeymo Ka geystey Qeybo Ka Mid Ah Gobolka Jubada Hoose

0
74

Diyaaradaha dagaalka dowladda Kenya, ayaa duqeeyay saldhigyo Al Shabaab ay ku leeyihiin gobolka Jubbada Hoose ee Koofurta Soomaaliya.

Duqeynta ayaa ka dhacday deegaanka Kaanjaroon oo qiyaastii 60km koonfur ka xiga Magaalladda Kismaayo.

Sidoo kale waxaa jira warar kale oo sheegaya in diyaaradaha ay duqeeyeen deegaanka Beer-naas, oo 60km u jira Magaalladda Kismaayo.

Deegaannada ayaa waxaa maamulla Xarakadda Al Shabaab, sida dadka deegaanka ay sheegeen.

Lama shaacin khasaaraha ka dhashay duqeynta, mana jiraan war ka soo baxay Xarakadda Al Shabaab ee Soomaaliya.

Afhayeen u hadlay militariga dowladda Kenya oo lagu magacaabo Col. Joseph Owuoth ayaa sheegay in ciidamada Kenya ee ka tirsan howlgalka midowga Africa AMISOM ay dileen dagaalyahanada Al Shabaab ka tirsan.