Reysulwasaaraha Xukuumada federaalka oo u Hambalyeeyey Ciidamada Xooga Dalka Somaliyeed

0
70

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ugu hanbalyeeyey munaasibadda sanadguurada 57aad ee maalintii la asaasay Ciidanka Xoogga ee 12-kii April, sannadkii 1960-kii.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ay yihiin dhidibada uu ku taagan yahay Qaranka Soomaaliyeed, isla markaana ay taariikh weyn ku leeyihiin dalkeenna.

Mudane Xasan Cali Khayrre ayaa ku amaanay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya dadaalka naf-hurnimada ah ee ay u samaynayaan sidii nabad loogu soo dabaali lahaa dalka hooyo, isla markaana loola dagaalami lahaa kooxaha dowladda Soomaaliya kasoo hor-jeeda ee caqabadda ku ah nabadda iyo horumarka Soomaaliya.

Waxana uu balanqaaday in Xukuumaddiisu ay xil weyn iska saari doonto daryeelka iyo xuquuqda ciidamada si ay u gutaan waajibaadkooda qaran.