Dowladda Hindiya ayaa waxa ay ka hadashay Howlgalkii Ciidanka Nabad sugidda Maamulka Galmudug ay ku soo badbaadiyeen 8 Badmaaxiin oo u dhashay dalka Hindiya.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Hindiya, Haweeneyda lagu magacaabo Sushma Swaraj ayaa sheegtay in ay ku faraxsan tahay Howlgalkan lagu soo badbaadiyay Muwaadiniin dalkaasi u dhashay, kuwaasi oo lagu heestay xeebaha Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug.
Sushma Swaraj ayaaa u mahadcelisay Dowladda Federaalka, Maamulka Galmudug iyo shacabka Soomaaliyeed ee gacanta ka geystay soo badbaadinta 8-da Badmaaxiin.
Shalay ayay aheyd markii Ciidamada Nabad Suggida qaybta Galmudug ka hawlgasha ay ku guulaysteen inay soo furtaan Sideedan badmaaxiin oo u dhalatay dalka Hindiya, kuwaasi oo maalmihii dambe gacanta ugu jiray Burcad Badeeda Soomaalida ah.