Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya, ayaa saaka xukun min 10 sano oo xabsi ah ku xukuntay, laba ruux oo lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin Xarakadda Al Shabaab.
Maxkamadda ayaa ku eedeysay labada ruux oo lagu kala magacaabo Maxamed Cali Kediye iyo Xuseen Xaashi Cabdullahi, in lagu soo qabtay iyaga oo wada gaari ay ka buuxaan waxyaabaha Qarxa.
Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Gaashaanle Xasan Cali Nuur Shuute, ayaa ku dhawaaqay xukunka Maxkamadda.
Mudane Shuute, ayaa dhinaca kale sheegay qofkii aan ku qanacsaneen xukunka Maxkamadda in racfaan uu ka qaadan karo xukunkaasi.