Madaxda maamul goboleedyada dalka ayaa la filayaa inay markii ugu horeysay shir isugu yimaadaan magaalada Muqdisho.
Shirkan oo ay qabanqaabineyso dowladda Federaalka ayaa lagu casuumay madaxda maamulada wuxuuna noqon doonaa shirkii ugu horeeyay ee madaxda maamulada iyo dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo dhex mara.
Ujeedka ugu weyn ee shirkan ayaa ah in looga hadlo sidii looga qeybgeli lahaa shirweynaha caalamiga ah ee arrimaha Soomaaliya oo magaalada London ka dhici doona Bisha May ee fooda nagu soo heysa.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa doonaya in qorshe mideysan ay Soomaaliya la tagto shirkaasi, si aanay u dhicin is barbaryaac madaxda Soomaalida la tagaan shirkaasi, wuxuuna shirkaasi noqon doonaa mid diiradda lagu saaro sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa dhinacyada amniga, dhaqaalaha, dib u dhiska iyo qorshe cusub oo Soomaaliya loo dhigayo.