Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka banaadir oo Xaley Xilka La Wareegey

0
60

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa xalay xilka kala wareegay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Munaasabad lagu qabtay xarunta Aqalka dowladda Hoose, ayaa waxaa kasoo qeyb-galay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, mudanayaal ka kala socday Baarlamaanka, Aqalka sare iyo Golaha Wasiiradda.

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale, ayaa munaasabada kusoo bandhigay waxqabadkii maamulkiisa intii uu ahaa Guddoomiyaha Gobolka.

Mudane Madaale, ayaa sheegay in uu u mahadcelinayo dadkii lasoo shaqeeyay mudadii uu xilka hayay, isagoona dhinaca kale sheegay in aysan jirin dad uu farqaha ku sitay, sida uu hadalka u dhigya.

Sidoo kale waxaa munaasabada ka hadlay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed, waxaana uu sheegay in dadka hadda jooga gobolka ay ku filan yihiin shaqada.

Dhinaca kale waxaa uu ballan qaaday inuu shaqadii uu qabtay Guddoomiyihii hore uu halkeeda ka sii wadi doono.