Howlgalo Ay Maanta Ciidamada Nabadsugidu Ka Fuliyeen Magalada Muqdisho iyo Wasiirka Amniga oo Ka Hadley

0
46

Ciidamada Nabad Sugida dowladda Soomaaliya ayaa dilay labo nin oo ka mid ahaa koox maanta madaafiic ka tuuray degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Mid ka mid ah labada nin ee la dilay iyo ciidanka dowladda ayaa mudo kooban isku rasaaseeyay degmadda, kadibna ninkii hubeysnaa waxaa uu galay Guri ku yaalla degmadaasi Wadajir, halkaas oo ay ciidanka markii dambe ku toogteen.

Dhinaca kale gaari ay wateen ragga madaafiicda tuuray ayaa waxaa gacanta ku dhigay ciidanka dowladda balse markii dambe gaariga oo ay ku xirnaayeen waxyaabaha Qarxa ayaa goobta ku qarxay.

Wasiirka amniga Gudaha Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) oo gaaray degmadda Wadajir ayaa sheegay in shacabka ay la shaqeeyeen ciidanka ammaanka taas oo suuragal ka dhigtay in laga hortago kooxdii weerarka soo qaaday, sida hadalka uu u dhigay.

Dhinaca kale wasiirka amniga ayaa sheegay in mid ka mid ah labada nin ee la dilay in uu ahaa ninkii dilay xoghayihii degmadda Wadajir Cabdiraxmaan.