Carruur aad u tiro badneys oo la ildarnaa cudurka Shuban Biyoodka ayaa saacadihii lasoo dhaafay ku geeryooday deegaannada Aato, Yeed iyo deegaanno kale oo hoostaga degmadda Xudur ee Gobolka Bakool.
Masuuliyiinta deegaannada, ayaa dhawaan u qeyla dhaamiyay hay’addaha, waxaana ay ka dalbadeen in gar-gaar bani’aadanimo la gaarsiiyo dadka ku nool Gobolka Bakool.
Xildhibaan Dhubad Maxamed Dhaqane oo ka mid ah Baarlamaanka Maamulka Koofur Galbeed, ayaa sheegay in deegaannada hoos yimaada Xudur, in fara ba’an uu ku hayo Shuban Biyood.
Xildhibaanka ayaa ka dhawaajiyay in dadkaasi ay u baahan yihiin Dawooyin, Raashiin iyo wax walba oo kaabi kara Noloshooda.
Deegaannada Koonfur-Galbeed, ayaa ka mid ah meelaha ay sida daran u saameeyeen Abaaraha iyo cudurada ay ka midka yihiin Shuban Biyoodka.