Iyadoo todobaadkii tagay magaalada Atlanta caasimada gobolka Georgia ay ka bilaabantay qabqabasho dadka aan sharciga ku joogin dalkan mareykanka ayaa waxaa hadana arinkaasi u istaagay wax ka qabadkeeda ururka Jaaliyada Soomaaliyeed ay leeyihiin ee magaalada Atlanta Somali American Community.
Gudoomiyaha Jaaliyada Somali American Community ee magaalada Atlanta gobolka Georgia dalka Mareykanka Cumar Shiikheeyoo wareysi gaar ah siiyay Wadajirradio ayaa sheegay in ay wax ka qaban doonaan xaalada dad ka mid ahaa Jaaliyada magaalada Atlanta oo todobaadkii tagay ay ciidamada sida gaarka ah u beegsada dadka sharci la’aanta ku jooga dalkan Mareykanka.
Gudoomiyaha ayaa sidoo kale ka codsaday guud ahaan Jaaliyada inay xiriir joogta ah ay la soo sameeyaan ururkooda Somali American Community si ay ugu khidmeeyaan dhamaan jaaliyada xiligan adag ee lagu jiro.
Halkan riix si aad u dhegaysato
Halkan riix si aad Moobilkaaga ugu dhegaysato.