Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kormeeray qaar ka mid ah wasaaraddaha xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya.
Waxaa uu kormeeray Xaruunta wasaaradda Warfaafinta iyo Hanuuninta Dadweynaha oo ay si wadajir ah u degan yihiin Wasaaraddaha Haweenka, Kalluumaysiga iyo khayraadka Badda.
Ra’iisul wasaaraha ayaa la kulmay qaar ka mid ah shaqaallaha wasaaraddaha, waxaana dhinaca kale warbixinno uu ka dhegeystay masuuliyiinta wasaaradahaas.
Kormeerka Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa wuxuu la xiriiray u kuurgalidda howsha shaqo ee wasaaradahaas iyo hubinta xaaladdaha Shaqo iyo Shaqaale.
Ra’iisalwasaaraha X.F.S oo la hadlay Shaqaalaha Wasaaradahaas ayaa ballan qaaday in ay mushaaraadkooda ay si joogta ah u heli doonaan, taas badalkeedana looga baahan yahay inay waajibaadkooda shaqo ka soo dhalaalaan.