Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sii ay wada-hadal u kala dhex-dhigi laheyd maamullada Ahlusuna iyo Galmudug oo ka wada arimiya deegaanno ka wada tirsan Gobolada dhexe.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay guddi u magacaabay wada-hadaladda Galmudug iyo Ahlusunna.
Guddiga ayaa ka shaqeyn doona sidii meel dhexaad la isugu imaan lahaa isla markaana xal-waara looga gaari lahaa khilaafka soo noq-noqday.
Guddiga wasiiradda ee la magacaabay ayaa waxaa ay kala yihiin Wasiirka Arrimaha dibada Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar iyo sidoo kale Wasiirka arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Saciid Juxa.
Madaxda labada dhinac ayaa ku sugan hadda magaalladda Muqdishu, waxaana la filayaa in ay magaalladda Muqdishu uu ka furmo wada-hadaladda u dhexeeya labada maamul.