Kulankii ay maanta yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaliya ayaa waxaa ay uga doodeen heshisika ay dowladda Imaaraadka saldhig militeri uga sameysaneyso magaaladda Berbera.
Golaha shacabka ayaa ugu dambeyn soo saaray in xukuumadda laga doonayo iney Warbixin cad ka keento heshiiskii ay wada gareen Soomaliland iyo imaaraadka Carabta ee Saldhiga Berbera.
Kulanka ayay xildhibaanadu ku sheegeen in ay muhiim tahay in la qaado tilaabo walbo oo looga hortagaayo Saldhigga Imaaraadka Carabta hadii uu halis ku yahay umadda Soomaaliyeed qaranimadeeda.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa laga sugaaya in ay jawaab cad ay ka geyso waxa ay ku heshiiyeen Somaliland iyo Imaaraadka Carabta.