Warbixin Kasoo Baxdey Xafiiska Qaramada Midoobey oo Ka Deyrineysa Xaalada Barakacayaasha Somaliyeed

0
64

Warbixin kasoo baxay Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay in Barakacayaasha Soomaaliyeed ee kasoo cararaya Abaaraha ka jira degaanada ay ku sugnaayeen ay la kulmayaan dhibaatooyin badan oo ay ka mid yihiin Xadgudubyo Galmo.

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in dhacdooyin xanuun badan ay sababeen Abaaraha ay ka jira Soomaaliya,islamarkaana howlihii gargaar ee dadkaasi loogu tala galay in aan loo fulin sidii loogu tala galay.

Isagoo kula hadlayay suxufiyiinta Magaalada New York, John Ging, Xiriirinta Arrimaha Bani’aadamnimada Xafiiska Qaramada Midoobay (OCHA), ayaa waxaa uu sheegay in xaaladda ay ku sugan yihiin dadka ay abaaruhu ay saameeyeen ee ku sugan Soomaaliya ay tahay mid khatar ah oo u baahan in la qaado tilaabo deg deg ah.

Sidoo kale waxaa uu ugu baaqay dalalka Caalamka in ay fadhiga ay ka kacaan oo ay u gurmadaan dadka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii waxaa uu tilmaamay in dhaqaalihii ay dalbadeen oo ay ku caawin lahaayeen dadka Soomaaliyeed badankiis in aysan wali soo gaarin.