Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliyeed Prof Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa kulan la qaatay xubno ka mid ah ururka Naafada Qaranka Soomaaliyeed ee uu fadhigoodu yahay Muqdisho.
Guddoomiyaha Golaha Naafada Soomaaliyeed Sayid Cali C/laahi Salaad, ayaa sheegay inay Dowladda Dhexe ka rabaan in Dastuurka lagu daro qodobo caddeynaya Daryeelka ay leeyihiin Dadka Naafada ah.
Salaad ayaa intaa ku daray in Dowladda ay ugu fadhiyaan in ay sameyso sharci qeexaya xuquuqda ay Dalka ku leeyihiin Dadka qaba baahiyaha gaarka ah.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Prof Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa sheegay in laga shaqeyn doono dib u soo nooleynta wakaaladdii qaabilsaneyd Daryeelka Dadka qaba baahiyaha gaarka ah.
Mudane Jawaari, ayaa ballan qaaday in Golaha Naafadda laga qeyb gelin doono dib u eegista Dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya, si ay u helaan xuquuqdooda.