Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre.
Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Maareynta Maaliyada, Amniga Qaranka, Xuquuqda Shaqaalaha, Qorshaha ka hortaga Musuqmaasuqa iyo arrimo kale.
Ugu horeyn Ra’iisal Wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay muhiimada maareynta maaliyada si shaqaalaha rayidka iyo ciidamada ay u helaan xaquuqdooda, isla markaasna loo labo jibaaro aruurinta canshuuraha iyadoo lala dagaalaayo waxii musuqmaasuq ah ee jira.
Warbixin dheer ka dib Golahu waxey isla garteen in si deg-deg ah loo mideeyo nidaamka dakhli uruurinta, si shaqo abuur loogu sameeyo dhalinyarada, in la sameeyo lacagtii shilin Soomaaliga iyo in maamul wanaag lagu saleeyo nidaamka dakhli uruurinta dalka.