Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble oo shir jiraa’id ku qabtay garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho ayaa kaga hadlay arrimo kale duwan oo la xiriira Khaadkii labadii maalin ee la soo dhaafay ka dagayay magaalada Jowhar,kaasoo maanta hakad ku yimid.
Cali Cosoble, ayaa ka yimid safar uu ku tagay magaalada Buula-burte ee gobolka Hiiraan.
Cosoble oo ka hadlayay diyaaradihii qaadka ee labadii maalin ka dagayay magaalada Jowhar ee Xarunta Dowlad Goboleedkaas, ayaa sheegay inuu soo dhoweeynayo cid kasta oo rabta in badeecadahooda ay ka dagsadaan garoomada maamulka Hirshabeelle, islamarkaana ay soo dhaweynayaan.
Wuxuu tilamaamay in markii uu maqlay amarka diyaaradaha Khaadka looga joojiyay Jowhar in uu la xiriiray Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, kaasoo ku wargeliyay inuusan waxba ka ogeyn.
Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa xusay in Dowladda ay arrintan ka dambeeysa, baaritaanna ay sameyn doonaan, iyagoo tallaabo ka qaadi doono ciddii ay ku caddaato.
Madaxweynaha Maamul Goboleed Hirshabeelle oo sii hadlay ayaa sheegay in aysan jirin Dowlad goboleed Dowlad goboleed kale ka xuquuq yar, haday dhacdo in go’aano Hirshabeelle ka dhan ah la soo saaro taasi waxay dhaawaceysaa Midnimada iyo Qaranimada Soomaaliya.