Ciidamo Ka tirsan maamulka Puntland oo Weerar Miino Ah lagula Eegtey Buuraha Galgala

0
69

Ciidamo ka tirsan maamulka puntland ayaa qarax miino ah lagula beegtey deegaanka gal gala, Qaraxan ayaa la sheegayaa in ay ku dhinteen ciidmo tiradoodu gaareyso ilaa iyo sagaal askari oo ka tirsan ciidamada maamulka puntland.

Gashaanle Cabdiraxmaan Faarax Gurxan Taliyaha furunta Gal-gala oo la hadley warbaahinta gudaha ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa mid xoogan, isla markaana ciidamada Puntland ay iska caabin ku sameeyeen kooxihii weerarka soo qaaday.

Waxa uu sheegay in is-rasaaseyn muddo socotay ay dhex-martay ciidamada Puntland iyo kooxihii weerarka soo qaaday.

Taliyaha ayaa ka gaabsaday in uu faah-faahin dheer aad ah ka bixiyo weerarkan oo la aaminsan-yahay in uu yahay kii ugu dhimashada badnaa mudooyinkan oo lala eegto ciidamo ka tirsan Puntland gaar ahaan kuwooda ku sugan buuralayda Gal-gala.