Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaarey magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Wafdiga madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyay Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyo wasiiro ka tirsan maamulkiisa.
Madaxwyenaha ayaa lagu wadaa in uu kulamo kala duwan la qaato Shariif Xasan iyo maamulkiisa iyo qaar ka tirsan odayaasha koonfur galbeed.
Safarkan ayaa noqonaya safarkii ugu horeeyey ee uu madaxweynaha ku tago mid ka mid ah gobollada Soomaaliya tan markii loo doortay xilka madaxweynaha.