Aqriso Alaha U Naxariistee Sheekh Cabdi Bariire Taariikh Nololedkiisa oo Kooban

0
444

Alla ha’u naxariisto, Waxaa  ku geeryooday Magalada Virginia, dalka Mareykanka, Al Marxuum Sheekh Abdi Barire.  Taariikhda markey ahayd 27-Abriil, 2017.
Taariikh nololeedkiisa

Waxa UU ahaa halgamaa wayn oo ka qeeb qaatay dhisida nadaamkii Dawladnimo ee soomaaliya waqtigii  gumeysiga iyo kadiba.

Wuxuu ku dhashay magaalada Afgooye, Shabeelaha Hoose  : Abriil 13/12/1928-

1956 -1959  wuxuu ahaa Guddoomiyaha gobolkii la dhihi jiray Majirtinia, caasimadiisu ahayd Bossaso.

Ka dib, 1959 -1961 -wuxuu noqday Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan,
Beledweyne.

1961 – 1964- wuxuu ahaa Agaasimaha Guud eee Wasaaradda Hawlaha Guud iyo  Wasaaradda Beeraha.

1964-1968- Madaxweynaha Bankiga Qaranka EE Somaliya. Wuxuu fursad u helay inuu noqdo ninkii ugu horreeyey EE saxiixiisa ku qora lacagihii ay yeelato Soomaaliya.

1970- 1984- Dawladii Kacaanka Wuxuu ahaa Agaasimaha Guud-Wasaaradda Howlaha Guud.
Wuxuu ahaa Ninkii ugu taariikhda dheeraa, muddo 14 sano ka noqda Agaasime Guud EE Wasaaradda Hawlaha guud Iyo Guriyenta.

1984kii wixii ka dambeeyey, Waa uu ka fadhiistay shaqada Qaranka uu u hayey. Wuxuu bilaabay inuu noqdo ganacsade iskiisa u shaqeysta ilaa dagaaladii iyo burburkii 1990kii.

1991kii, wuxuu u usoo  wareegay wadanka Mareykanka, ( Virginia State, U.S.A), halkaas ayuu degganaa asaga iyo qoyskiisa.

Qabrigiisa waasac ilaahey ha uga dhigo janadii fardowsana ilaahey haka waraabiyo intii uu ka tegeyna samir iyo iimaan ilaahey haka siiyo Amiin Amiin.