Beesha Caalamka iyo Dowlada Federaalka oo ka Wada Arinsadey Kulan London lagu Qaban Doono

0
84

Waxaa soconaya wada hadallo iyo kulamo u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo wakiilada beesha caalamka oo looga arinsanayo shirka 11 bisha May la filayo in uu ka furmo magaalada London ee dalka Britain.

Kulankii ugu danbeeyay ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb-gallay xubno ka socda dowladda federaalka iyo wakiilada beesha caalamka sida, wakiilka xoghayaha guud ee QM ee Soomaaliya, danjiraha midowga Africa, wakiilo ka kala socday wadamada daneeya arimaha Soomaaliya oo ka mid tahay Britain oo shirkan martigalin doonta.

Arrimaha ugu waaweyn ee DF Soomaaliya iyo beesha caalamka ay wadahadlayaan si go’aan mideysan looga gaaro ka hor shirka London ayaa waxaa ka mid ah Qorshaha Amniga, dib u habeynta dhaqaalaha iyo Kaalmada abaaraha, waxaa kaloo ku jira arrimaha siyaasadda ugu muhiimsan sida dib u eegista Dastuurka iyo gaarista doorasho qof iyo cod ah sanadka 2020.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisal wasaaraha dalka Britain Theresa May ayaa la filayaa in wada jir u guddoomiyaan shirka.