Xarakada Alshabab oo Xaley Weerar Ku Qaadey Fariisamo Ay Ciidamada Itoobiyaanka iyo Kuwa Dowlada Ku Lahaayeen Degmada Waajid

0
67

Wararka inaga soo gaaraya degmada Waajid ee gobolka Bakool ayaa sheegaya in dagaalyahanno ka tirsan xarakada Al-shabaab xalay weerar ku culus ku qaadeen fariisimo ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ay ku lahaayeen degmada.

Sida ay warbaahinta u sheegeen dad ku sugan degmada Waajid xoogagga Al-shabaab ayaa soo qaaday weerar culus taasoo u suurta galisay in ay gudaha u gallaan qeybo ka mid ah degmada, gaar ahaan saldhigyadii ay ku sugnaayeen ciidamada maamulka Koonfur galbeed.

Dadka degmada ayaa sheegay in weerarkan uu noqonayo kii ugu xooganaa ee sanadkan ka dhaca degmada Waajid, inkastoo ilaa iyo hadda aan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee soo kala gaaray dhinacyada dagaallamay.

Si kastaba arintu ha ahaatee dagaaladan ay alshabab ku soo qaadayaan deegaanadan ayaan aheyn kuwo cusub, Xaalada degmada ayaa haatan ah mid degen.