Reysulwasaare Kheyre o Maanta Golaha Wasiirada u Furey Kulan Wadatashi

0
92

Ra’iisul wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa maanta daah-furay kulan wadatashi oo labo cisho ah oo ay xubnaha golaha wasiirada ku dar-dargelinayaan waxqabadka xukuumadda.

Ujeedada kulankan labada cisho ah oo ay wasiiradu ku gorfeynayaan qorshe-howleedka xukuumada ayaa ah sidii qorsheyaasha wasaaradaha ay u noqon lahaayeen kuwo mideysan oo ka tarjumeysa barnaamijka xukuumadda.

Ra’iisal wasaaraha oo daahfuray kulankan wadatashiga ah ayaa ka hadlay muhiimada wadatashiga oo uu sheegay in wasiirada looga fadhiyo inay u adeegaan shacabka Soomaaliyeed.

Kulankan wadatashiga ah ee labada cisho ayaa lagu lafagurayaa arrimaha ay dowlada siisay mudnaanta sida ka hortaga abaaraha, soo celinta amniga iyo nabadeynta, kobcinta dhaqaalaha, la dagaalanka musuqmaasuqa, gaarsiinta doorashooyin hal cod iyo hal qof ah, dib-u-heshiisiinta, midnimada ummadda Soomaaliyeed iyo xiriirka caalamiga ah.

Khubaro ku xeel dheer arrimaha mudnaanta leh ayaa jeedin doona casharo wasiirada loogu sharaxayo xaalada dalka iyo sida loo gaari karo in waxqabad dhab ah lala yimaado.