Ilaalada hanta dhowrka guud ee dowlada federaalka somaliya Dr. Nuur Faarax Jimcaale ayaa waxaa ay galabta si ula kac ah ugu toogteen meel aan sidaa uga fogeyn xarunta villa somaliya ee magalada muqdisho wasiirkii wasaarada howlaha guud iyo guryeynta Cabaas cabdullahi sheikh siraaji.
Warar la hubo oo la isku haleyn karo oo ay daafeet.com heshey ayaa ku waramaya in ilaalada hanta dhowrka guud ee qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale ka hor inta aysan toogan wasiirka ay hubiyeen in uu wasiirka saran yahay gaariga iyo in kale kolkii ay ogaadeen in wasiirka saran yahay gaarigisana waxaa ay wasiirka la beegsadeen rasaas ku dhawaad labataneeyo xabo taasi oo sababtey in wasiirkii howlaha guud iyo guryeyn cabaas cabdullahi sheikh siraaji uu halkaasi ku geeryoodo.
Hanti dhowrka guud ee qaranka oo xiligaasi la socdey gaarigiisa ayaa isku deyey isaga iyo ilaaladiisa iney goobta ka baxsadaan taasi oo ciidamada ilaalada madaxtooyada ay fashiliyeen isla mar ahaantaana gacanta ku dhigey hantidhowra qaranka iyo ilaaladiisa.
Ilaa iyo hada weli dhacdadan kama hadlin qeybaha kala gedisan ee dowlada gaar ahaan wasaaradaha aminiga, warfaafinta, madaxtooyada iyo weliba xafiiska reysulwasaaraha oo uu wasiirka geeryoodey ka mid ahaa.
Talaabadan lagu diley wasiirka howlaha guud iyo guryeynta ayaa waxay noqoneysaa shirqool aan geedna loogu soo gaban oo uu hanta dhowraha qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale uu la beegsadey wasiir ka tirsan dowlada federaalka somaliya.
Si kastoo loo dhigaba talaabooyinkaan dilka qorsheysan iyo amnidarada la xiriira ayaa waayadanba waxaa ay marti u ahaayeen magalada caasimada ah ee muqdisho.