Wasiirka Warfaafinta Maamulka Somaliland oo Sheegey In Sanadka Aan Loo Dabaal Degi Doonin Xaflada 18 May

0
65

Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland,Cismaan C/llaahi Saxardiid (Caddaani), ayaa sheegay in munaasinadihii loogu dabaaldegi jiray maalinta madax banaanidda Somaliland ee 18 May la joojiyey abaaraha jira awgeed.

Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in dabaaldegii lagu weynayn jiray 18 may ee dhaqaalaha badan ku bixi jiray sanadkan la joojiyey, isla markaana dhaqaalahaasi ku bixi jiray loo leexin doono in abaaraha wax lagaga qabto, maadaama oo abaartani saamaysay dad iyo duunyaba,

Waxaanu intaas ku daray “Waxaa la go’aamiyay in shacabka Somaliland haddii qurba jooga tahayba guud ahaanba ummadda reer Somaliland meel kastoo ay joogaanba inay sannadkan guntiga dhiisha iskaga dhigaan, oo ay si adag uga fikiraan sidii aynu gurmadka abaaraha uga qaybqaadan lahayn oo wax kastoo dabaal-degaasi ah aynu u bedalo qaaraan ururin aynu dadkeenna abaaruhu soo baro kiciyeen in aynu la wadaagno.”

Waa markii ugu horeysey tan iyo intii somaliland ay ku dhawaaqdey gooni isu taaga oo ay joojiyaan xafladahii loo sameyn jirey 18 may taasoo ay haatan qiil uga dhigeen abaraha ka jira deegaanada maamulka somaliland.