Hantidhowrka Qaranka oo Xilka Laga Xayuubiyey iyo Baritaankii Dilkii Cabaas Siraaji oo Gabogabo ah

0
47

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa caawa yeeshay kulan deg-deg ah oo uu shir-guddoominayey Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre. Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Geeridii Wasiirkii Howlaha Guud iyo arrimaha Amniga dalka.

Golahu waxey warbixin ku saabsan falkii dilka iyo baarista socota ka dhageysteen Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Jen. C/xakiin Daahir Saciid (Saacid)  iyo Xeer Illaaliyaha Guud Dr Axmed Cali Daahir , waxeyna sheegeen in baaristu socoto, isla markaasna 3 qof ay u xiran yihiin falkaas. Waxeyna golaha ka codsadeen in gacan laga siiyo baaristooda.

Kadib Golaha wasiiradu markii ay dhageysteen warbixintii falkii dilka ahaa ee loo geystay Marxuum Cabaas Siraaji, wasiirkii Howlaha Guud, iyagoo gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ah ballan qaadayna in wax allaale iyo waxii suurto gelinaya in baarista la soo dhameystiro ayaa waxey go’aansadeen oo si wadar wada oggol ah ugu coddeeyeen in xilkii laga qaado Hanti Dhowraha Guud ee Qaranka, iyadoo xilka uu si ku-meel gaar ah u sii heynayo Kuxigeenka Hanti-Dhowrka Guud.

Xubin ka mid ah golaha wasiirada oo diidey in magaciisa iyo codkiisa aan u adeegsano saxaafada ayaa waxuu inoo sheegey in warbixintii hor u dhaca aheyd oo ay ka dhegeysteen taliyaha booliska ay ku qotontey xaqiiqo dhab ah isla markaana warbixinta uu ku sheegey taliyaha boliiska in  hanti dhowrka guud Dr. Nuur Faarax Jimcaale  uu ciidankiisa ku amrey in ay rasaaseeyaan gaariii uu la socdey alah u naxariistee wasiirkii howlaha guud Cabaas Cabdullahi Sheekh Siraaji.

Taliyaha boliiska oo sii wata warbixinta ku saabsan falakaas ayaa sheegey in ilaalidii hantidhowrka qaranka oo seddex ahaa ay gacanta ku hayaan isla markaana ayagoo suaalo ka weydiinaya waxa ay ka og yihiin iyo qaabka ay ku bilaabatey xabadaha sababey in uu ku geeryoodo wasiirkii howlaha guud iyo guryeynta., Taliyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa raaciyey in baaritaanka 80% ay soo dhameeyeen 20% harsana 24 saac ee soo socda gudihiisa ay kusoo gabagabeyn doonaan.

Dhacdadan lagu diley wasiirkii hore ee howlaha guud iyo guryeynta ayaa waxaa ay noqoneysaa su,aal jawaab uga baahan shacabka madaxda sare ee qaranka.