Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa xeer Madaxweyne ku soo saaray aqbalida xil ka qaadista Golaha Wasiirada ku sameeyeen Hanti-dhowrkii Guud ee Qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale.
Xeerka Madaxweynuhu soo saaray waxaa uu sidoo kale si rasmi ah xilka uga qaaday Hanti-dhowrkii Guud ee Qaranka, iyadoo tani ay sii xoojineyso muranka la xiriira sharci ahaanshaha xil ka qaadista.
Golaha Wasiirada ayaa shir deg deg ah oo ay yeesheey habeenkii khamiista waxay isku raaceen xil ka qaadista Hanti-dhowrkii, kadib markii Ilaaladiisa ay dileen Wasiirkii Howlaha Guud Cabaas Siraaji.
Hase ahaatee Dr. Nuur ayaa ku gacan seyray xil ka qaadista Golaha Wasiirada, isagoo ku tilmaamay in loo maray sifo aan sharci aheyn.