Dagaalyahannada Al Shabaab ayaa weerar xooggan ku qaaday saldhiga ciidanka dowladda Kenya ay ku leeyihiin duleedka degmadda Baardheere ee Gobolka Gedo.
Weerarka ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka Tarako oo qiyaastii 50km galbeed kaga beegan magaalladda Baardheere, sida dadka deegaanka ay sheegeen.
Lama sheegin khasaaraha ka dhashay weerarka, dadka deegaanka ayaa sheegay in weerarka uu ahaa madaafiic.
Maamulka dowladda ee Gobolka Gedo, wali kama aysan hadlin Al shabaab werarka ay ku qaadeen saldhiga.
Ciidanka KDF-ta dalka Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM, ayaa waxaa saldhigyo ciidan ay ku leeyihiin koonfurta Soomaaliya gaar ahaan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.