Ugu yaraan 82 gabdhood oo iskuuleey ahaa oo Boko Haram ay afduubatay sanadkii 2014 ayaa la sii daayay, sida dowladda Nigeria ay sheegtay.
Gabdhaha hadda lasii daayay waxaa ay ka mid ahaayeen 200 oo gabdhood oo laga afduubtay magaalladda Chibok. In ka badan 270 gabdhood ayaa Chibok laga qafaashay sanadkii 2014.
Kooxda Boko Haram, ayaa si iskooda ah usoo daayay gabdhaha, waxaana hadda gacanta ku haya milateriga Nigeria.
Gabdhaha ayaa gawaari looga soo qaaday deegaan go’doon ah, ka dibna waxaa la geeyay saldhig ciidan oo ku yaalla Banki, taasoo u dhaw soohdinta ay Nigeria la leedahay Cameroon.
Waa markii labaad oo ay dowladda Nigeria ku guulaysato soo celinta qaar ka mid ah gabdhihii laga qafaashay Chibok.