Dilkii Cabaas Siraaji oo La Go,aansadey In Maxkamada Horteeda Lagu Dhameeyo

0
198

Kulan lagu sheegay inuu yahay Baroodiiq(Tacsi) loo sameynayo Alaha u naxariistee Wasiirkii hore ee wasaarada Howlaha guud iyo Guriyaynta Cabaas Cabdullaahi Sheekh Siraaji ayaa waxa uu maanta ka dhacay guriga uu magaalada Muqdisho ka degan yahay Xildhibaan Sandheere Macalin Iftiin,

Waxaana ka qayb galay qaar ka mid ah Salaadiinta iyo Malaaqyada Digil iyo Mirifle, Xildhibaan Maxamed Xuseen Afaraale Xildhibaan Caqal Sare Cabdulaahi Cabdi Garuun iyo Xildhibaan Maxamed Mursal BOOROOW iyo waxgarad kasoo jeeda Qawmiyada Digil iyo Mirifle.

Kulanka oo ahaa kulan aan horey loo sii shaacinin ayaa ka qayb galayaasha kulanka ku Baraarugay iyadoo ay kulankii dhex joogaan tiro shaqsiyaad ah oo kasoo jeeda Beesha Habargidir oona uu horkacayo Wasiirkii hore ee wasaarada Arimaha Gudaha Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa kuwaasi oo qaab akhyaarnimo ku soo galay kulanka iyagoo sidoo kalena kulanka ku soo bandhigay lacag gaareysa ilaa $5,000.00 oo ay sheegeen inay tahay lacag ay u keenee inay tacsiyada kaga qayb qaataan.

Arinkan uu sameeyay Wasiirkii hore ee wasaarada Arimaha Gudaha Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa ayaa waxaa ka carooday isla markaana ka dhaqaaqay goobta dhamaan Salaadiinta iyo Malaaqyada Digil iyo Mirifle iyo waxgarad kasoo jeeda Qawmiyada Digil iyo Mirifle ee kulanka Baroordiiqa ka qayb ahaa.

Halka koox xildhibaano ah oo kala ah Xildhibaan Maxamed Xuseen Afaraale Xildhibaan Caqal Sare Cabdulaahi Cabdi Garuun iyo Xildhibaan Maxamed Mursal BOOROOW  iyo Wasiir hore Odowaana goobta isugu soo haray iyagoo sidoo kalena xunbahan ay Wasiir hore Odowaa ka qaateen lacagtii uu keenay ee $5,000.00 ahayd.

Dhanka kale kulan loo dhan yahay oo ay ka qeyb galeen dhamaan xildhibaanada digil iyo mirifle ee labada aqal iyo xubnaha golaha wasiirada kaga jiro digil iyo mirifle iyo reysulwasaaraha dowlada federaalka oo looga hadley arimaha falkii lagu diley alah u naxariistee wasiirkii hore ee howlaha guud iyo guryeynta Cabaad Siraaji wexey isla garteen in guud ahaan wixii la xiriira dhacdadii lagu diley wasiir cabaas lagu dhameeyo sharuucda dalka u yaala.

Talaabadan Dulaalnimada ah ee ay qaadeen xubnahan Xildhibaanada ah ee kasoo jeeda Qawmiyada Digil iyo Mirifle ayaa waxay qayb ka tahay ayaan darada Dadka iyo Dalkuba ku habsatay sanadihii lasoo dhaafay sidoo kalena waxay meel ka dhac ku tahay Dhaqanka,Taariikhda iyo weliba Qoyska Marxuunka.