Dilkii Marxuun Cabaas Siraaji oo La Rabo In Loo Xaliyo Qaab Qabiileed Iyo Xildhibaano Calooshood u Shaqeystayaal ah oo Hor Boodaya

0
53

Magaaladda Muqdisho ayaa waxaa kulan xasaasi ah ku yeeshay Xildhibaanada beelaha ay kasoo kala jeedaan Allah ha unaxariistii Wasiirkii Howlaha Guud Marxuum Cabaas Siraaji (Digil & Mirifle) iyo hanta-dhowraha qaranka Dr Nuur Faarax (H/Gidir).

Kulankan oo ahaa mid saxaafada laga qariyay ayaa waxaa looga hadlay sidii xal rasmi ah looga gaari lahaa dhacdadii lagu dilay Wasiir Siraaji taas oo loo heysto Dr Nuur Faarax oo ay ilaaladiisa rasaas ku fureen marxuumka.

Wararka aynu helnay ayaa sheegaya in Xildhibaanada kasoo jeeda beesha Hanti-dhowraha guud Dr Nuur Faarax ay ka dalbadeen xildhibaanada kale in kiiskan aan laga dhigin mid siyaasadeed isla markaana si hoose loo xaliyo.

Warka ayaa intaas ku daraya in lagu balamay kulamo kale six al rasmi ah looga gaaro dhacadaan isla markaana kiiskan loo xaliyo si hoose.

Ilo wareedyada aan heleyno ayaa sheegaya in xildhibaanada labada dhinac ay kulan gaar ah la qaadan doonaan qoyska uu sida gaarka ah uga dhashay Marxuum Siraaji kadibna waxaa la gaari doonaa xal rasmi ah.