Faallo..Dilkii Wasiir Cabaas”Oohinta Orgiga ka weyn”

1
110

Inkasta oo uu weli taagan yahay murankii ka dhashay dhacdadii xanuunka badneyd ee lagu dilay AUN Wasiirkii hore ee wasaarada howlaha guud iyo guriyaynta Cabaas Cabdulaahi Sheekh Siraaji ayaa hadana waxaan dhanka kale jawaab buuxda weli loo helin su’aalo badan oo ay qabaan inta maqashay mashaqadan maangadka noqotay,

Dhankeena waxaa hubaal ah in sida ay ummaddu qabto uun qayb ka nahay oo waxaan weli nahay jawaab sugayaal ku kalsoon baarista hada socoto kuna qanci doona hadba wixii kasoo baxa baaritaanada hada socdo.

Waxaan filaayaa in inta sida tooska ah ula socota Dhacdadaan Mucaarad iyo Muxaafadba ay sugayaan natiijo Cadeymo lagu kalsoonaan karo wata oo ay soo saaraan hay’adaha hada ku howlan baarista dhacdadaan.

Isaga sheekeyn meyno wixii dhacay kadib Dilkii loo gaystay Marxuun Cabaas ilaa iyo maanta balse waxaan rabnaa in aan si miyirqab ah u dul istaagno waxa Dhacdadan ka dhigay mid ka Culus waxa dhacay,Dabcan ma yareysaneyno mana yareysan karno Dilka dhacay balse waxaa hubaal ah in rogroga dhacdadaan ay meelo badan iyo howlo badan ay hareer socdaan.
Dilka,Dhaawaca,Handadaada iyo Musuquba waxay maanta ka mid yihiin nolosha dadka Soomaaliyeed gaar ahaan inta ku nool caasimada dalka magaalada Muqdisho tiiyoo tahay ayaa hadana falkan dilka ah ee dhacay hadii uu yahay kama’ amba uu yahay u kas aanu ahayn kii ugu horeeyay ee ka dhacay Muqdisho mana noqon doono sidoo kale kii ugu danbeeyay ee ka dhaca magaalada.
*Khaladaadka dhacay

Kolka aad si guud u eegto qaabka loo marey maareynta dhibtan dilka ah ee dhacday ayaa waxaa kuu soo baxaya.

1-Inay Dowladu ku wajahday dhacdadan Fudeed iyo Laab la kac(Caadifad).

Waxaa jiray fursado aad u qiimi badnaa oo uu Ra’isulwasaare Kheyre u haystay yareynta iyo xakameynta xasaasiyad ka dhalata dhacdadaan oo uu fudeed dartii ku lumiyay,Waxaana fursadahaasi qayb ka ahaa in Ra’isulwasaare Kheyre uu Hanti dhowraha Qaranka Nuur Cilmi uu qaab Amnigiisa waafaqi kara uu ku maareeyo sidaasina uu Hanti dhowraha Qaranku uu kaga hor joogsado la hadalka Saxaafada,Dhaqdhaqaaqa iyo Weliba shaqo ka ceyrinta uu ku sameeyay.

2-Aqoonta iyo Khibrada maamulka.

Dilka wasiir Cabaas iyo Warsiintii Saxaafada uu warka siiyay Hanti dhowraha Qaranku waxay Aqoonta iyo Caqligaba tireen Ra’isulwasaare Kheyre oo caradii uu ka qaaday kula dul dhacay Hanti dhowrihii Qaranku Xilkiina kaga xayuubiyay,Waxaana filaayaa tani inay ahay mid aad u muujisay Khibrad la’aanta Ra’isulwasaaraha dalka Kheyre iyo Madaxweyne Farmaajo oo isna fursad u haystay inuu xaalka Qaboojiyo balse taa bedelkeeda uu khaladkii Kheyre Dekereeto sharciyeed ku daray taasi oo xaalka ka dhigtay maar u waa.

3-Ad-adeega mas’uuliyiinta

Dabcan dalka ay dhacdadaanu ka dhacday ee Soomaaliya waa dal dadkiisa haatan uun kasoo kabanaya Rubuc Qarni Sharci la’aan ah isdhexyaac,Qab iyo Qabiil isugu faan sidaa oo ay tahay ayaa hadana go’aanka Ra’isulwasaaraha waxa gaas ku sii shubay Madaxweyne Farmaajo oo aad isna moodo inuusan wax ka baran dhacdooyinkii iyo turunturooyinkii dowladihii isaga ka horeeyay Xamar ku qabsaday.

4-Qab(Islaweyni)

Dalka maanta waxaa ka jira maamul dowladeed oo ruux kasta oo xil ku magacaabana waxa uu ku yahay mas’uul waa sharciga hadaan si kale u dhigana sharciga cid ka sareyso inayan jirin iyadoo sidani ay tahay ayaa hadana waxaa aad uga dhex muuqanaya dhacdadan gudaheeda in Hanti dhowraha Qaranka uu u dhaqmay sida ruux ku dhex nool Fowdadii 1992 oo Dilka aanu wax kasoo qaad ah layn Haybtuna ay ahayd tan garta rida miisaankana Raajax ka dhigta.

4-Awood oo lays bido

Kolka si dhab ah aad u dul istaagto dhacdadan kadib wixii dhacay waxaa kuu muuqanaya in weli qab beeleed aad moodo inuu ka sareeyo sharciga uu weli saaxada siyaasada Soomaaliya uu ka dhex muuqdo inkasta oo aan ogayn inta uu awoodo Qab beeleedka inuu ka sareeyo Sharciga dalka u yaalo!

Khaladaadkan aan kor kusoo sheegnay iyo kuwo kale oo isbiirsaday ayaa waxay sal u noqdeen in ay Dowladu ku rafato dhacdadaan dilka ah ee loo gaystay mid ka mid ah wasiiradeeda waxayna sidoo kale fursad siisay kooxo maamulkan cusub mucaaradayay balse la’aa meel ay usoo maraan.

*Fursadaha hada jira

Dabcan khalad waa dhacaa oo dhamaan Aadanuhu waa kii khaldama,hayeeshee hadana kolkii loo kaco sixida khalad dhacay waxaa lama huraan ah in kolka hore khaladka lawada fahmo oo lasoo bandhigo kadibna dib u qaabayn lagu sameeyo khaladkii dhacay si guud ahaan dhinacyadoo idili isfaham kadib ay u wada noqdaan kuwa wada guulaysta,Tani mecneheedu ma ahan in Hanti dhowraha Qaranka iyo Ilaaladiisu ayan geysan dilka AUN Cabaas Sheekh Siraaji iyo in aan loo ciqaabayn midna sidoo kalena ma ahan in Ra’isulwasaaraha iyo Madxweynuhu ayan xilka ka qaadi karin Hanti dhowraha Qaranka Nuur Cilmi mana ahan in Beesha Habargidir oo laga baqay kadib la qaatay xeer jajab mana filaayo in Cadaalad daro lagu riixo qoyska marxuunka amaba loo xoog sheegtay balse intan oo dhami waxay u dhacayaan si loo gaaro xal qaybaha oo idili ka wada dhiga kuwa guulaysta ilaalinayana sareynta sharciga wadajirka ummadda,Xuquuqda muwaadinka iyo wadanoolaanshaha isla markaana meesha ka saara madmadowga hada jira geesna isaga riixa kooxaha ku hoos dhuumanay dhacdadaan oo iyaga gabaad ka dhiganaya una hanqal taagaya duminta maamulkan curdunka ah ee Soomaalida maanta u curtay.

*Gunta iyo Gebagebada

Oday Soomaaliyeed ayaa gabar laga soo doontay wuuna bixiyay sida uu dhaqanku ahaa gabadhuna waxay doonanayd 10 sano kadib waa laysu yimid oo gabadhii meherkeedaa loo fadhiyaa Qaylaa yeertay waa lagu soo baxay waa gabadhii la mehrin lahaa oo qaylo afka kala qaaday kadib kolkii wiilkii loo mehrin rabay gacanteeda qabtay waa tan hooyadii oo gabadheeda qayladeeda qaylo ku dartay ….Rerrkii xaajaa gashay kolkii hala xaajeeyo la yirina Odaygii gabadha dhalaa hadlay oo yiri Wiilkayga iyo Gabadheyda talaa dhaaftay(Seegtay) oo wiilka waa kii ay 10 sano sugaysee inay iska aamustay ahayd Wiilkaygana waa tii uu 10 sano sugayee inuu sugo saacada dhiman ayay ahayd Hooyadii gabadhuna wuxuu ku yiri talo yay ku seegin oo gurigan aad dhisayso gacantaada haku dumin Anigu intan tala seeg ah anigu midna ima seegin oo waa kuwane isku mehriyaan warka ku xirey ayuu yiri Odaygii.

Marka maanta xaalka yow noqon ku inta wax seegtay ku hardama oo Madaxweynaha talaa seegtay oo talaabada Ra’isulwaarihiisa ayuu ku diidi karey,Ra’isulwasaarahana talaa seegtay oo wuxuu sugi karey Baarista sidoo kalena Hanti Dhowrihii Qarankana talaa seegtay oo dad u dhaarsanaa ayaa helay,Balse waxaa maanta aan talaba seegin Beesha Marxuunka iyo Qoyskiisa oo iyagu Cadaalad doon noqday.
Qalinkii
Abdiaziz ShSalah

1 COMMENT

  1. Qoraalka kani waxaa qorey qof aan damac iyo hanqaltaag uu riixayo mana ahan qoraal si dhexdhexaad ah loo qorey. Dowlada ayada ayaa leh go’aanka labada masuul ee marxuum Cabaas iyo Nuur Farax. Waxa kasoo hara ee laablakaca ah waa khuraafaad iyo kururkuteyn aan sal iyo raad laheyn. Dowlada tilaab weliba ay qaadey wey ku saxsaneyd waxa qaldan waa falcelinka aan loo meel deyin ee suuqyada lasoo geliyey sida midan oo kale

Comments are closed.