Madaxweynaha Dowlada Federaalka Somaliya oo Maanta Booqasho Ku Tegey Degmada Afgooye

0
40

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu horkacayo ayaa safar dhulka ah ku tagay goor dhaw degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose.

Safarka madaxweynaha ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee dhulka uu sii maro meel ka baxsan magaalada Muqdisho, marka loo eego safarkii ugu dhawaan ku tagay magaalada Baydhabo oo madaxweynuhu uu sii raacay diyaarad.

Madaxweyne Farmaajo ayaa hada kulan la leh qeybaha kala duwan ee bulshada reer Afgooye, waxaa uu kala hadlayaa xaalada ammaan iyo mid nololeed ee ay qabaan.

Dadka gobolka Shabeellaha hoose ayaa cabasho weyn ka muujinaya isbaarooyin aan tiro laheyn oo yaala inta u dhaxeysa waddada xiriira Muqdisho ilaa laga gaarayo degmda Wanlaweyn, taasoo caqabad ku ah isku socodka dadka iyo gadiidka.