Ciidamada AMISOM ayaa xalay Madaafiic xooggan waxa ay ku garaaceen xaafadda Arbacow ee ku taallo duleedka Magaalada Muqdisho, gaar ahaan degaanka Ceelasha Biyaha.
Al-Shabaab ayaa la sheegay Madaafiic iyo Weerar in ay kusoo qaadeen degaanka Arbacow Saldhig ay ku leeyihiin Ciidamada AMISOM, Waxaana la sheegay intaasi ka dib in AMISOM ay ku jawaabtay Madaafiic.
Madaafiicda Ciidamada AMISOM ayaa waxaa la sheegay in ay ku dhaceen Xaafaddo ay degan yihiin dad Shacab ah.
Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro gaadmo ah waxaa ay kusoo qaadaan Saldhigyadda Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.