Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] ayaa isaga oo ku sugan magaalada London sheegay in uusan aaminsaneyn nidaamka federaalisamka iyo in Soomaaliya ay yeellato madaxweynayaal farro badan.
Hadalkan ayuu ka hor sheegay Axmed Madoobe kulan xalay madaxda Soomaalida ay la qaateen Jaaliyada Soomaaliyeed ee UK, waxaana kulanka sidoo kale joogay madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada, Puntland, Koonfur galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug.
Axmed Madoobe ayaa sheegay in Soomaalida aysan micno badan u sameyneynin shirarka hadba lagu qabanyo wadamada shisheeye, hasse ahaatee sida uu hadalka u dhigay waxa micnaha badan sameynaya tahay waxa Soomaalida dhaxdeeda la timaado.